Dad shacab ah oo lagu dilay deegaano hoos yimaada G/Galgaduud

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa deegaanada Dhabad iyo Furinta Foore ee Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad hubeysan wy Weerartay gawaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah oo halkaa marayay.

Weerarka waxaa la soo wariyay in uu ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waloow aan si rasmi ah aan loo ogeyn inta uu la egyahay, basle warar hoore aan helnay ayaa sheegay in dhimashada dadka shacabkaaay tahay 2 ruux, halka dhaawacana uu yahay mid intaa ka badan.

Sidoo kale, agagaarka deegaannada Dhabad  Iyo Furinta Foore Ee Gobolka Galgaduud waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jirtay colaad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kale jeeda Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq, waxaana tiro dhowr oo hoe guuldareystay xal u helida colaadaas.