Dad shacab ah oo hantidoodii la burburiyay iyada oo la isticmalayo awood dowladeed (daawo video xanuunka badan)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhawaan la burburiyay guryo ay dad shacabka ah deganayaan 39 sano kuwaas oo u heysta sharci hulka ay degan yihiin. Iyada oo gabaad laga dhiganayo magac dowladeed ayaa waxaa guryahoodii la mariyay  baldoosar oo dhulka lala simay.

Ma aha kaliya in la burburiyay guryihii ay degaanaayeen balse waxaa sidoo kale dhulka lala simay ceelkii ay biyaha ka cabayeen iyo masaajidkii ay ku dukanayeen. Dhibaatada dadka la gaarsiiyay waa mid  ay mas’uuliyadeeda leeyahay Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre oo isagu amarka ku bixiyay in hantidaas la burburiyo.

Waxaa nasiib xumo ah in sanakd 2019 dad shacab ah oo ay ku jiraan culuma’udiin caan ka ah dalka  loola dhaqmo si ka baxsan bani’aadminimada islamrkaana loo isticmaalo awood dowladeed iyada oo la fulinayo dano gaar ah.

Halkaan ka daawo hadalada xanuunka leh ay ku hadlayaan dulmanayaasha