Dad loo xir-xiray qaraxii ka dhacay magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanod, Ciidanka Booliiska Somaliland, oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga dhigay shakhsiyaad kala duwan, kadib Qarax halkaas ka dhacay.Lama sheegin tirada dadka lagu xiray Hawlgalkaas, oo daba socday Qarax lagu weeraray xarunta diiwan-gelinta Cod-bixiyaasha Doorashooyinka Somaliland ee Laascaanood.

Qaraxa waxa ku dhaawacmay askar ka tirsan Ciidanka Somaliland iyo qof shacab ah, waxana burbur ka soo gaaray xaruntii la weeraray, sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, oo khalkhal ku abuuray Barnaamijka diiwan-gelinta Cod-bixiyaasha ee ka socda magaalada Laascaanood.