Dad lagu soo eedeeyay falal burcadnimo oo laga soo qabtay

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa  ayaa  howlgallo  looga hortagayo burcadnimada  ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Howlgaladaas ayaa lagu soo qabtay rag gacanta kula jiray falal burcad badeednimo ah, kuwaasi oo dhac u geysanayay shacabka Muqdisho.

Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ciidanka booliska ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo ilaa iyo lix dhallinyaro ah oo ku eedeysan falal dhac ah oo loo geystay dad rayid ah.

“27-ka bisha June 2021 ayaa burcad wadata Mooto Bajaaj waxa ay soona tarabuun dhac ugu geysteen Muwaadin Soomaaliyeed, muwaadinka waxa uu ashtakadiisa ku soo gudbisaday Nambarka gaaban ee ay ciidanka boolisku isticmaalaan ee 991, waxaana ay ciidanka booliska oo howlgallo sameeyay ay durba gacanta ku soo dhigeen burcaddii iyo caddeymihii ay wateen”. Ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka booliska ayaa xusay in burcad maanta dhac ka geysatay maqaayada Ceynu Shamsi ee ku taala Isgoyska Al-baraka lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, isagoo intaa ku daray in dhamaan eedeysanayaasha lagu soo qabtay falalka  burcadnimada loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga, isla markaana muwaadiniinta hantida laga dhacay ay u soo doonaan Saldhigga laga diiwaangeliyay marka uu xakunka kiiska dhaco. 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!