Dad Ku Geeryooday Guri Kusoo dumay Degmada Xamar-weyne!!

Reading Time: < 1 minute

Ugu yaraan 1 Qof ayaa dhintay, midkalena waa uu dhaawacmay, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ku yaalla degmada Xamarweyne ee G/ Banaadir.

Dhismahan oo ahaa mid Qadiimi ah, islamarkaana ah Garaash ayaa la sheegay in dadka uu ku soo dumay ay kaga Onkoranayeen Roob.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee degmada Xamarweyne Maxamuud Cali Xasan (Maxamuud Dheere ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi.

Dhinaca kale Maxamuud Cali Xasan (Maxamuud Dheere ) guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Xamarweyne ayaa sheegay in Roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ay saameyn ku yeesheen degmadaasi.

Waxaana uu tilmaamay in xarunta degmada iyo Xafiisyada ay biyo fariisteen, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shaqadii maamulka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Saacadihii ee la soo dhaafay ayaa waxaa Roobab xoogan ay ka da’een gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka danta yar iyo Isticmaalka Wadooyinka waa weyn ee Caasimadda.