Dad ku dhintay doon kaluumeysi oo ku gubatay xeebaha deegaanka GARDAFUU

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya gobalka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in doon kalluumeysi ay ku gubatay xeebta degmada Bareeda. Doontan oo laga lahaa dalka Iran ayaa la sheegay in ku gubatay meel 8 mayl u jirta marsada Bareeda.

Labo qof oo u dhashay dalka Iran ayaa ku dhimatay dabka qabsaday doontan, oo la sheegay inuu ka dhashay Gaaska cunada lagu karsado oo qarxay. Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay gurmad u fidiyeen Doontan gubatay.