Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku dhigeen Saddex Ruux oo Ajaanib ah kuwaas oo ka Ganacsanayay Hilibka Xayawaanka sida,Fool Maroodi,Hilib Ey, geeska wiyisha iyo Diin diin Nool.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay ka fuliyeen Xaaafada Kilimani ee Magalada Nairobi dalka Kenya,waxaana howlgalkaas ay kusoo qabteen Saddex Nin oo u dhalatay dalka Shiinaha,kuwaas oo ku sugnaa Guri ay Hilbaha Xayawaanka ku hayeen
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Saddexda Nin ee u dhashay dalka Shiinaha Maanta oo Arbaco ah gelinka dambe Maxkamad lasoo taagi doono.
Badeecooyinka lagu qabtay ajaanibtaas ayaa kontorobaanka ah dalka Kenya,waxaana lagu qiyaasay Qiimaha Badeecadahaas aduun lacageed oo dhan 2 Million oo shilinka dalka ah.