Dad dhawaan Ciidamo Ajnabi ah kala soo Baxeen Beerta Aadan cadde Ee Gobolka Sh/hoose oo lasii daayay!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Somaliya ayaa waxa ay sii daayeen Saddex wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo 5-tii bishii September ee sanadkan laga qabtay beerta Aadan Cadde oo ku taalla Shabeellaha Hoose.

Ciidan isugu jira kuwa ammaanka dowladda ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa ajaanib ah ayaa xilli habeen ah beerta ka kaxeysatay Saddexdaasi wiil ee dhalinyarada ah, kadib markii ay weerareen.

Dhalinyaradan ayaa waxaa la sheegay sababta loo weeraray inay tahay kadib markii looga shakiyay inay xiriir la lahaayeen ururka Al Shabaab, balse hay’adaha ammaanka faah faahin rasmi ah kama aanay bixin sii deynta dhalinyaradan.

C/laahi Xaaji oo ka mid ah ehelka dhalinyaradan oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay sii deynta wiilashan, wuxuuna tilmaamay inaanay jirin dhibaato loo geystay marka laga reebo in xuriyadda laga qaaday.

Dowladda federaalka gaar ahaan ra’iisul wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa raali gelin siiyay ehelada madaxweynihii hore ee Somaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee beertooda la weeraray, markii ay arintan dhacday.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!