Dad Careysan Oo Banaanbax Ka Dhigay Baladweyne

Reading Time: 2 minutes

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday wareejinta Kursi Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorshadiisa tahay Baladweyne.

Banaanbaxa oo ahaa mid kooban ayaa waxaa dhigay dad u badnaa dhalinyaro, kuwaasi oo isugu soo baxay Bartmaha Baladweyne, waxaana kasoo horjeedeen kuriga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo deegaan doorshadiisa tahay Baladweyne oo wareejiyay Jowhar.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa gubay Sawirrada Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim, iyagoo sheegay inay aad uga careysan yihiin kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaanada ee loo wareejiyay Jowhar.

Sidoo kale dadka Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa Madaxada dowladda Federaalka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ka dalbaday in kursiga loo wareejiyay Jowhar ay dib ugu celiyaan Baladweyne oo marka hore laga doortay.

Si kastaba Guddoomiyaha Gobolada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka digay kuraasta loo wareejinayo Gobollada aan marka horey laga soo dooran.