Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Dabaqalooc ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas Nin ku dishay Biriq roob oo ku dhacday. Ninka Biriqda dishay oo ahaa Nin reer Guuraa ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Bashiir Cali Aadan oo 23 jir ahaa, waxaana Biriqa kula dhacday, xili uu ku sugnaa hoygiisa.
Waxaa ay sidoo kale ay biriqdu dhaawacaday dad xoolalay ah. Afhayeenka Maamulka deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug ee Galmudug Abshir Daleel oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Gobolka ay da’ayeen roobab xoogan, ayna Biriqa Ninkaas ku dishay deegaanka Dabaqalooc.
Dhanka kale waxaa uintaas ku daray afhayeenka inay tageen goobta uu ku geeriyooday Maxamed Bashiir Cali, isla markaana halkaas kasoo qaadeen Meydka, waxaana uu tilmaamay in khasaaro kale aysan geysan Biriqda. Deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, waxaana xusid in xiliyada qaarkood Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay Biriq ku dhacdo oo ay geysato khasaaro.