Dacwada Caasho Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa maanta markale waxaa ay dib u dhigtay qaadista Dacwada rag loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho ilyaas Aadan.

Saddex Rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan Gaalkacyo loogu geystay ayaa horay xukun dil toogasho ah loogu xukumay,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.

Maanta ayaa Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal waxaa ay go’aamisay in kiiskaas markale la dhageysto Maalinta Arbacada ah ee soo socota, kadib markii ay Maanta dhageysatay Warbixino dheerad ah oo kiiska la xiriira.

Falka kufsiga iyo dilka ah ee Caaisho Ilyaas Adan oo aheyd Gabar 123 jir ah ayaa dhacay Bishii Febaraayo ee sanadkaan,waxaana kiiskaas loo xukumay saddex rag ah oo lagu eedeeyay,kuwaas oo xukunka Racfaan ka qaatay balse Arbacada markale go’aan laga gaari doono.