Reading Time: 2 minutesXafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir shan sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya oo laga soo xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Saraakiishaan ayaa loo heysta eedeymo la xariira musuq maasuq, wax is dabamarin iyo ku takrifal awood dowladeed, kuwaas oo uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha qaranka iney hordhac u yihiin Shabakad balaaran oo ku eedeysan musuq maasuq iyo lunsashada xoolaha dadweynaha.
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, xariga saraakiishaan ayaa ah mid dabada la gashay aano qabiil iyo waxa ay Soomaalida u taqaan kursi ka kacsi si qof kale loogu fariisiyo.
Waxaa wax lala yaaabo noqotay in taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir uu idaacadaha ka sheego dad eedeysanaaan ah oo aan maxkamad danbi ku cadeeynin. Qofka danbi waa lagu soo oogi karaa laakiin sharaftiisa laguma ciyaari karo ilamaa ay maxkamad ku cadeysmi danbiga , ka dubna xukun ku rido.
Su’aalaha u baahan in la isweeydiiyo ayaa ah; Maxaa keenay in eedeysanayaal aan la xukumin warbaahinta dowlada laga baahiyo? Yaa xaq u leh in dad masuq-maasuq lagu eedeeyay inay soo xiraan? Ma ciidanka Booliskaa? mise nabasugida? mise ciidanka dabaanyada ee canshuurta aruurisa? waa maxay danaha gaarka ah ee uu taliayaha ciidanka Booliska ee Gobolka Banadir iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ay ka leeyihiin xariga saraakiisha la soo eedeyay?
Shanta sarkaal ee la soo eedeyay ayaa ka kala tirsan yihiin Xafiisyada kala ah Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe, kuwaas oo dhamaantood ka howlgalyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay MOL u xaqiijiyeen dad ku dhaw arimaha dacwadaan, qaar kamida dadka lagu eedeyay masuq-maasuqa oo la hayo cadeeeymahooda ayaa laga saaray xariga iyada oo ayan jirin qodob sharci ah ee aan la soo cuskanin?
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maxkamada gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shantaan sarkaal ee ku eedeysan Musuqa si loo xaqiijiyo kiiska ay ku eedeysan yihiin.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale xusay iney ka go’an tahay in sharciga la horgeeyo qof walba oo lagu soo qabto fal dambiyeed, isagoona uga digay dhamaan saraakiisha dowladda inay ku kacaan falal baalmarsan sharciga.
Qoraalka ka soo baxay xafiidka Xeer Ilaalinta ayaa ah mid sidoo kale baalmarsan sharciga madaaama ay ku sheegeen eedeysanayaasha inay yihiin danbiilayaal? Sidee ayaa dad la eedeyay oo aan wali lagu cadeeynin danbi aad qoraal maxkamadeed u soo saareysaa, kaas oo go’aan hordhac lagu sheegay.
Hadii aan wax laga badalin qaabka garsoorka dalka loo maalaio iyo hogaankiisa ku tagrifalayo awoodaha dowlada, waxaa suuragal ah in la iska horkeeno shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka:-
Like this:
Like Loading...
Related