Dacaayado ka soo Burqanaya kooxdii laba Mushaarleyda  iyo Qabkii Beenta.

Reading Time: 3 minutes

Iyadoo dalka uu yeeshay hoggaan cusub 15kii May 2022  oo la filayo in dhowaan la soo dhiso dowladdii ay dadka Somaliyeed wakiiladooda ugu coddeeyeen in la sameeyo isbadal dhan kasta ayaa waxaa durbaba soo baxaya kooxo qaadan jiray laba mushaar inay bilaabaan dacaayado ay fidinayeen iyo Ciidamo dulsaar ku ahaa ciidanka qaranka watayna magacyo kala duwan.

Dowladdii Farmajo waxay abuurtay habdhaqan aan muddo la soo arkin oo ah in dad badan oo siyaasiyiin iyo ciidanba leh ay qataan mushaar aysan wax shaqo aan dacaayado ahayn aysan ku qaban.

Farmajo waxaa laga dhaxlay in dadka aad looga hago warbaahinta oo loo sheego been muddo badan lagu celceliyo kadibna ay dadka run u qaataan. Waxaana xoog loo isticmaali jiray cid kasta oo ka ra’yi duwana dowladooda, taas oo keentay in lacago badan lagu bixiyo buunbuuninta waxyaabo aan jirin loona qoro dadkaas mushaarooyin aan waxqabad ku saleysneyn balse dacaayado u fidiya dowladda lagu aamanayo,  si ay u shaqeystaan mushaarooyinkooda, balse aan kala jecleyn waxa dhibaato ah oo shacabka ku dhacaya.

Haddaba intii ka dambeysay doorashadii talada looga wareejiyey waxay bilaabeen Kooxda NN dacaayadaha u qaabilsan inay abuuraan dacaayado been ah sida

  1. Ciidan gadoodaya ama gadooday. Ciidanka Somaliyeeed ee runta ah waa kuwa fahamsan xaaladaha dalkooda ku sugan yahay, kuwaas oo mar waliba difaaca ku jira.
  2. In Mushaarooyinka la waayi doono oo aysan dowladu lacaga haysan, tanna waa been kale waayo dowladdiiba xilka lama wareegin oo tii hore ayaa weli khasnadihii haysa waa haddii aysan iyada sii marinin.
  3. In dowladdaan ay tahay dowlad aan waddaniyad lahayn oo shisheeye u shaqeyneysa iyadsoo la ogyahay in Caruurteenna la iibsaday oo lagu laayey Itoobiya, Sow taas ayaa shihseeye u adeeg ah maaha?

Waxayaabaha dagaalka loogu jiro ayaa ah inay sii socoto lacagihii la siin jiray saarkiil aan ciidanka Somajeestayaasha ah waxba u qaban iyo kooxaha baraha bulshashada beenta ka faafiya oo loo yaqaanno CBB kuwaas oo ay xataa ku jiraa ajaanib dhowr ah oo ka soo bixi doona galalka baarista ee Hantidhowraha guud marka shaqadiisa loo madaxbanneyo. Kooxahaan qaar  weli gobolka Banadir ayaa laga masruufaa oo waxaa bilkastaa loo marsiiyo lacgaha Amiin Camir, halka kuwa loo marsiiyo NISA.

Shacbiga waa inaysan ku sirmin dacaayadaha soo afuufmaya waana in dowladda cusub lagu qiimeeyaa waxaqabadkeeda iyadoo lala imanayo indho furan, balsa aan lagu khaldamin waxa uu Farmajo aadka u isticmaalay iyo been badan oo ku fidiyey shacbiga isagoo isticmaalaya CBB.

Waxaad arkeysaa qof ku leh waxaa uu soo iibiyey Drones oo dayuuradaha aan cidi wadin si dalka loogu difaaco. Waxaad arkeysaa Kenyan- Somali ay gabadhiisa ka shaqeyso Madaxdtooyada isagana qaata mushaar aanu waxba ku qaban oo ku leh Farmajo waa wadani oo qabkii ayuu soo celiyey.

Akhriste is weydii maxaa qab ah:

  1. In doorashada la diido oo xoog looga dhigo, afisyoonina lagu qabto miyaa qab ah?
  2. In wiilal 5000 ah oo aan 23 sano gaarin dagaalkii Tigray lagu laayey miyaa qab ah.
  3. In qof Somali ah Itoobiya laga iibsado, loona gacan geliyo miyaa qab ah?
  4. In Baydhabo masaakiin lagu laayo miyaa qab ah?
  5. In Qatar ay waxa ay doonto naga sameysato miyaa qab ah?
  6. In shabaab ay dekedda iyo Bakaaraha canshuur ay ka qaadaan miyaa qab ah?
  7. In Xamar ay qarka u saaran tahay in laga qaxo miyaa qab ah?
  8. In Juballand la burburiyo miyaa qab ah?

Bal isweydii maxaa qab ah? Qab maaha in 2022 dacaayad guulwadeyn ah iyo afmiishaarnimo loo adeegsado CBB lagu marin habaabiyo shacabka. Tan waxaa ka dhashay in maanta qofkii qab ka hadlaa lala yaabayo oo eraygii uu macno beelay sida Kacaankii kalitaliska ahaa ee magaca dalka u badalay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Somaliya, ama sida Kuuriyada waqooyi oo hadda isku magacowdo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Shacbiga Kuuriya. Marka waa dimoqraadiyadey Xaal qaado, sidoo kale Qabow xaal qaado waa laguu gafaye.

Qab qaran waa qaran xor ah, daboola dhaamaan baahida Caafimaad, Bulsho, Dhaqaale, Garsoor iyo Amaankiis oo uu meel ku hubsado kadibna caalamka si Sharaf leh wax ula qeybsada oo dunida soo dhinac fadhiista marka uu soo hagaajisto gurigiisa.

Waana hawsha looga fadhiyo dowladdaan oo aan la xisaabtami doonno afar sano ka bacdi inaan halkaan iyo ka hoos ama ay wax badan ka qabsoomeen baahiyaheenna asaasiga ah sida nolosha shacbiga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, siyaasadda, wax barashada iyo Ammaanka oo maanta waxaa Xamar dowladda la canshuura ee nala xusuuso akhrite afar sano kadib.