Dabley Hubeysan Oo Rasaaseeyay Gaari Qaad Sidey

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya  magaalada Jowhar ee  xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay wadada u galeen gaari noocisu ahaa mini Bus kaasoo qaad u sidey magaalada Jowhar.

Gaariga oo ka tegey magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga oo marayay meel ku dhow deegaanka Gololey gaar ahaan halka loo yaqaan Il-baq oo hore dhowr jeer ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku weerareen ciidamo marayay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay rasaasta ay fureen dableyda iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar kamid ah dadkii gaariga saarnaa ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ragga afduubtey gaariga qaadka u sidey magaalada Jowhar ay ahaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyadoo hore sidan oo kale gaari qaad u sidey degmada Balcad kana tegey magaalada Jowhar ay halkaa ku qabsadeen.

Ganacsatada qaadka keenta magaalada Jowhar oo labo dhinac ah ayaa qaar waxa ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar halka kuwa kalana qaadka ka keenaan magaalada Muqdisho caasimada dalka.