Dabley hubeysan oo afduubtay mas’uul ka tirsan Dowladda Nigeria

Reading Time: < 1 minute

Dabley aan heybtooda la aqoonsan ayaa afduubtay Guddoomiyihii Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Gobolka Benue Ekpe Ogbu iyo labo qof oo la socday, sida ay booliisku sheegeen.

Sida ay sheegayaan Warbaahinta maxalliga ah afduubku wuxuu ka dhacay isgoyska Adankari ee waddada Otukpo-Ado – waana af-duubkii afraad ee la og yahay isla goobtaasi laga fuliyo muddo yar gudaheed.

Lama garanayo cidda ay yihiin dableyda hubeysan iyo sababta keentay afduubka, balse afduubyada la dalbado madax-furasho ayaa inta badan waxaa fuliya burcad hubeysan oo dhaqaale doon ah.