Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab oo weerartay saldhig ciidamada Puntland

Reading Time: < 1 minute

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada difaaca dowladda Puntland ku leeyihiin tuulada Af-Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan, in Al-shabaab madaafiic ku rideen saldhiga, kadibna ciidamada difaaca Puntland ay kaga jawaabeen hubka culus.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Puntland Post u sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, balse kama hadlin haddii uu khasaare jiro.

Dad kala duwan oo ku sugan tuulada Af-Urur ayaa sidoo kale sheegay in subaxnimadii hore ee saaka maqleen rasaas ka dhacaysay dhinaca saldhiga ciidamada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!