Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, hal ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday halka mid kalane uu dhaawac soo gaaray kaddib markii dableey hubeeysan aay xalay weerar ku qaadeen deegaan dhaca Galbeedka degmada Matabaan.
Dhacdadaan ayaa la sheegayaa inay salka ku heyso aano qabiil, warka naga soo gaarayo deegaankaas ayaa intaasi ku daraya in dadka falkaasi fuliyay ka kasoo jeedaan Gobolka Galgaduud.
Xiisad dagaaal ayaa hadda ka taagan deegaanka Laba-galle waxaana laga cabsi qabaa in dagaal beeleed uu deegaankaasi ka qarxo.
Warar hodhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xubno kamid ah maamulka gobolka Hiiraan oo siyaasad ahaan isku haayaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isla markaana aan qayb ka ahayn dagaaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee ka socda Hiiraan ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin abuureen colaadaasi qabiilka ku saleeysn.