Dablay hubaysan oo Askar ku dishay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Wararka inga soo gaaraya Degmada yaaqshiid Gaar ahaan Suuq bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu wayn Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Suuqaa lagu Dilay Askar katirsaneeday Ciidanka Booliska Soomaalia.

Askarta ladilay ayaa waxa ay tira ahaan gaarayaan ilaa iyo labo Askari waxaana lagu dilay agagasrka Rugsan Mall oo ku yaala Suuq bacaad Dilka ayaa waxaa gaystay dablay Bostoolado ku hubaysan waxaan joobjoogayaal ay sheegeen in ay dablayda Dilka kadib ay ku baxsadeen Mooto Bajaaj.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo tairsan Dowlada Soomaalia kuwaa oo baaritaano ka sameeyay goobta dilku uu ka dhacay mana jirto cid ay Dilka usoo qabteen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!