Dabka ka Holcaya Dalka waa na Nawada Gubi Doonaa Haddaan Damistiisa Hadda loo Kicin.

Reading Time: 4 minutes

Duruufaha nagu habsaday ee hogaanxumada noo dheer waxaa ka mid ah xaaldaha gobolka oo  ku socdo isbadal xawli ah oo degdegaya, taasoo ay aad noogu adag tahay inaan la jaanqaadno haddii aan la helin madax iyo hogaan umaadana isku hayn kara, fogaan arag leh, lana tartami kara siyaasadda madaxda gobolka iyo tan caalamka oo dano badan naga leh.

Inkastoo ay ku haboon yihiin in qodob qodob loo dul istaago haddana dhibaatooyinka na haysataa waxaa ka mid ah:

  1. Madaxweynihii dalka Maxamed Cabdullahi Farmajo waa beenaale hal qodob aan ka fulin wixii lagu doortay ee uu barlamaanka ka hor sheegay, taas oo rabbigii kaga furtay si caddaan ah, wadaadadii diinta ku qaraanban jirayna ay macaankooda iska dhuuqayaan.
  2. RW dalka Xasan Cali Kheyre waa beenlow qeyli dheer oo cid kasta ee uu lahadlaa ay ku haysato ballan ka baxyo muujinaya diin yaraan iyo Alle ka cabsi la’aan.
  3. Shabaab oo diinta Islaamka nooga dhigay Aalad wax la gu dilo, waxna lagu dhaco jid, guri, masaajid iyo meherdba nagu dila.
  4. Awooddii dowladnimada oo loo adeegsanayo in lagu burburiyo wixii yaraa ee laga dhaxlay dowladihii hore oo horumar ah, ciddii kaa soo horjeeddana lagu caburiyo oo xataa lagu dilo kadibna shabaab iwm loo saariyo. Sida wixii ka dhacay Kismayo oo xogta ay sheegeyso inay ka muuqdaan faro la qeybsaday shabaab hawsha, laguna dilay ruux biri mageydo ahaa ka ahaa dhinac diineed iyo dhinac dhaqanba oo ahayd, Hodan Naaleeye, haween ahayd, hal door ahayd, geesiyad ahayd oo wax badan ummadaas u dhaantay Kheyre, Fahad iyo Farmajo.
  5. Sidoo kale waxaa Meesha ka baxay barlamankii oo aan wax saameyn ah ku lahayn dalka iyo dadka Somaliyeed, marka laga reebo kooxo yar oo ay makhaayadda u shidan tahay loona adeegsado inay burburiyaan maamul goboleedyada sida LuulTahlii iyo Cabdirashiid Xidig oo ku kala maqan sidii colaado looga dhex abuuri lahaa Galmudug dhexdeeda iyo Jubaland dhexdeeda.
  6. Dhinaca kale waxaa soo baxaya in Jubaland loo qoondeeyey $30 Milyan si looga abuuro rabsahdo aysan doorasho ku qabsoomi Karin, waxaana MOL heshay in Axmed Madoobe loo geeyey in uu qaato $18 Milyan oo u isaga tanasulo madaxweynenimada oo loo iibsado sidii Axmed Ducale Xaaf loogu iibsaday qiimaha raqiiska ah. Hasa yeeshee wararka laga helayo ilo ku dhow Axmed Madoobe ayaa sheegaya inuu si cad u diiday inuu lacagtaas. Yirina ‘Aniga qiima ma joogo oo sicir la igu iibsan karaa ma jiro, Jubaland-na qiimo aan siisto ma garanayo, haddii madaxdii qaranka ay jubaland lacag u joogto annaga nooma joogto ee u sheega” waana shaaraf abaal loogu hayn doono haddii uu ka dhabeeyo Axmed Madoobe inuusan Jubaland iibsan ee uu qabto doorasho cidii doonto ha ku soo baxdee.

Dhinaca kale siyaasaddii arrimaha dibadda oo burburtay oo uusan jirin maanta dal aan heshiis dani noogu jirto la leenahay.

  1. Coladaha Kenya, Itoobiya, Sucuudiga, iyo Imaaraadka oo dalkeenna u ah dhibaato ay adag tahay inuu ka soo waaqsado siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba oo xataa xoolahannaga ay ku xayiran rafaadsan yihiin deked dal kale oo si xaasidnimo ah looga joojiyey sharciyaddii ay k ugali lahaayeen.
  2. Dalalka Iiraan iyo Qatar oo hub iyo lacag aad u fara badan na soo gelinaya. Hubkaas oo looguu talagalay xataa inuu Khalkhal geliyo dalka Itoobiya oo hadda isagaba ku jira dhibaatooyn siyaasadeed. RW Kheyre iyo Macalin Maxamuud Ahlu-suna waxay ku qanceen in kooxdan Ahlu-sana  laga dhigi karo sida Xisbullah oo tababarka iyo Hubka ay bixiso  dalka Iraan,  iyadoo dhaqaalaha iyo isku xerkana ay bixineyso Qatar. Macallin Maxamuud waxaa uu u sheegay RW Kheyre in Iran ay abuurtay Xisbullah mmantana ay yihiin awood xoog ku leh dalka Lubnaan iyadoo ah awoodda kaliya ee ay Israa’iil  ka gudbi la’adahay Ahlu sunana ay noqon karto awoodda kaliya ee Itoobiya aysan ka soo gudbi Karin ama gudaheeda wax ka fulin Karta, iyadoo siyaasaada gudahana awood ku yeelan karta. RW Kheyre oo ka fekersan inuu is sharraxo Farmajo kadib ayaa waxay Ahlu-suna isla garteen in dalka oo dhan loo gacan gelin karo haddii la helo taageerada Qatar iyo Iiraan waana sababta uu Dhuusamareeb uu ugu yeeray Wasiirka Gaashaandhiga ee Qatar, telefoonna uu kula hadlay madax Iiraaniyiiin ah, kadib markii ay Macallin  Maxamuud oo dhawaan ka soo noqday Iiraan si qarsoodi ah iyo Wasiirka Gaashaandhigga Qatar ay arrinta ka shaqeeyeen iyadoo Sheekh Fahad Yasiin Xaaji Dahir uu ku tufay, kuna duceeyey inay hirgasho awoodda uu waligiis ku taami jiray oo ah in dowlad uu ka mid yahay ay cidkasata ka adkaato.
  3. Wadahalladii walaalaha Somaliland oo si xaasinimo ah loo burburiyey kuna dhow inaan hubka isu qaadanno sidii aflagaado iyo erayo aan munaasib ku ahayn loogu waday iyadoo haddana loo magacaabay guddi ay ku jiraan kuwii dhibaatada waqooyiga hormuudka ahaa.
  4. Dalka Mareykanka oo ah dalka ugu saameynta dunida oo ku dhawaaqay arrin naxdin leh oo in muddo ah la qarinayey taas oo ah in dalka Somaliya yahay dal burburay oo la rafaadsan dib u dhac ka yimid hogaan xumo, kadib markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka oo aan isagu dibolomasiyad badan isticmaalin, kadib markii ay is af dhaafeen Xubno ka tirsan aqalka Mudanayaasha la soo doorto ee Mareykanka oo dumar ay gabar Somali ah ku jirto u badan.
  5. Dacwaddii badda oo hadda loo awoodsiiyey inay maamusho IGAD, waxaana arrintaas si aan leexleexad lahayn gacanta ugu haysa wasiirka Arimaha dibadda Kenya Munica Juma iyo qareennada Kenya oo hadda IGAD kala shaqeynaya qaabka loo dib dhigi karo dacwadda oo ah in labada MW ee Farmajo iyo Uhuru u soo qoraan waraaq ay IGAD ugu wakiilanayaan inay arrinkan ka shaqeyso. Waxaana xog ay MOL heshay sheegeysaa in Farmajo uu u qoray waraaqda wakiilashada IGAD.

Isku soo duub mucaaradka maanta shacbiga ku fiirsanayaa dabkaan baxaya waxaa hubaal inaysan ka badbaadi doonin oo uu daadka wada qaadi doono iyaga iyo kooxdaan burburka iyo halaagga dalka badaya, waxaana rajeyneynaa in dalkaan ay u soo baxaan dad ka badbaadiyaa inuu noqodo dalka adduunka ugu liita oo ugu nolol xun, diintooda iyo dhaqankoodana laga badalo.