Dabelyo Xoogan Oo Ku Dhuftay Deegaano Hoostaga Gobolka Nugaal

Reading Time: < 1 minute

Dabaylo xooggan oo saacadihii ugu dambeeyay ku dhuftay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sababay dhimasho iyo bur burka guryo badan.

Hal qof oo ka mid ahaa dadkii ku xoolo beelay abaarihii ku dhuftay Puntland islamarkaana qoyskiisa uga xamaalan jiray Garoowe ayaa ku dhintey dabaylahan kadib markii uu ku soo dumay guri dhagax ah oo uu jiifay.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabayey Maxamuud Saciid Ganaase, iyadoo ehaladiisa ay sheegeen in uu ifka kaga tagay Afar carruur ah iyo hooyadood oo isaga hormuud u ahaa noloshooda.

Dabaylahan ayaa sidoo kale bur buriyay guryo badan oo ku yaalla magaalada Garowe, balse khasaare nafeed kale lama soo sheegin inta aanan ka aheyn dhimashada halkaasi ruux.

Dadka ku sugan magaalada Garoowe ayaa cabsi ka muujinaya dabaylahan wata roobka oo ka socda magaaladaasi, waxayna dadka ka cabsi qabaan khasaare intaasi ka badan inay sababaan dabeylaha.

Maamulka Degmada Garowe, ayaa lagu wadaa inay ka shiraan xaaladda cusub ee ku soo korodhay Magaalada, iyadoo laba cabsi qabo in saameynta dabeylaha ay sii socdaan.