Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraha lagu qaarajiyay nin oday ahaa.
Odayga ayaa waxay rag bastoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen agagaarka Suuqa Dawada ee Bakaaraha, iyadoo dilka ka dibna ay goobtaasi ka baxsadeen.
Labada nin ee dilka gaystay ayaa waxay daqiiqad gudaheed kaga baxsadeen goobtaasi, ka dib markii ay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen odaygaasi.
Ciidamada Booliska ayaa waxay Suuqa Bakaaraha ka dhex baadigoobayan raggii dilka gaystay, oo si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu ahaa odayga la dilay. Wararka qaar waxay sheegayan in uu ka mid ahaa dalaaleyda guryaha iyo dhulalka, halka warar kalena ay sheegayan in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada soo dooratay.
Amniga Suuqa Bakaaraha ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ahaa mid ka soo reynaayay, iyadoo ay aad uga yaraadeen dilalka ay ka gaystaan xubnaha lala xiriiriyo Shabaab.