Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee caasimadda Hiiraan ayaa sheegaya inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).
Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya go’aankii uu madaxweynaha HirShabelle ku gaaray in kuraasta ku harsan Beledweyne oo gaaraya illaa 11 kursi laga dhigo kuwa furan oo aan loo xirin shaqsiyaad gaar ah, waana tallaabo lagu yaqaan Cali Guudlaawe marka laga reeb kuraasta La boobay ee Fahad iyo Khadiija Ilkacas oo lacag handadaad la isugu daray.
Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed oo ah shakhsi daciif ah ayaa ka horyimid go’aanka Guudlaawe, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Dabageed ay gadaal kasoo riixeyso Villa Somalia oo dooneysa in 11-ka kursi ee dhiman loo xiro shaqsiyaad ay iyada wadato. Dabageed weli kuma quusan halkii ay villa Somaliya dhigtay kuwii dharka u dhigtay oo wax waliba siiyey sida Ibbi, Dhalxa, Cabdullahi sh Xasan iyo Luul Tahliil.
Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonan karo noo xaqiijiyeen, khilaafka ayaa durba saameeyay guddiga doorashada HirShabelle oo la kala saftay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
Madaxweynaha HirShabelle oo dhawaan Beledweyne kula kulmay qaar kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta dhiman ayaa u ballan qaaday inaysan jiri doonin kuraas la xirayo. Marka haddii uu ballankaas ka baxo waa dadnimo xumo iyo diin la’aan.
Go’aanka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii kacdoon looga soo horjeedo in kuraasta loo xiro shaqsiyaad uu ka qarxay magaalada Beledweyne kaasoo keenay inay ciidamo badan gudaha usoo galaan magaalada.
Guudlaawe oo muddo ay ku qaadatay inuu tago Beledweyne islamarkaana ay aqbalaan dadka kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa iska ilaalinaya in mar kale uu abuuro xiisad keeni karta in deegaanka laga naco.
Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.