Dabaaldega Xuska Sanadguurida 20naad ee Puntland oo dib loo dhigay

Reading Time: < 1 minute

Xafladii iyo dabaaldagii Sanad-guuradii  20 ee dhalashadii Puntland oo caawa la qorshaynayay in  ay ka dhacdo magaalada Garowe ayaa dib u dhac ku yimid, ka dib markii madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ay iclaamiyeen in xafaladii iyo damaashaadkiiba  dib loo dhigay, lana qaban doono habeen danbe. Waa markii ugu horeeysay oo xafladaan dib u dhac ku yimaado mudo labaatan sano ah. Dib u dhacaan ayaa loo eedeynayaa in uu mas’uul ka yahay Ra’iisal Wasaare Kheyre oo  safarkiisa qal-qal siyaasadeed ka abuurary deeganka Puntland. Waxaa magaalada Garowe ka socda  qabqabsi qabiiled, ka dib markii RW Kheyre dabada la galay beel ka mida beelaha degan Puntland taas oo keentay in hogaanka sare ee Puntland uu aad uga xumaado talabadaas uu qaatay RW Kheyre.