Dab xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee khudaarta ee magaalada Jigjiga

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS ayaa sheegaya in dab ka kacay suuq ku yaalla halkaas. Goob-joogayaal ku sugan magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in saaka dab xooggan ka kacay suuqa Khudaarta ee magaalada.

Dadweynaha iyo mas’uuliyiinta DDS oo adeegsanaya dab demiska magaalada ayaa weli ku hawllan in la demiyo suuqa. Khasaare iyo burbur hantiyeed ayaa sida la soo werinayo ka dhashay dabka saaka ka kacay Suuqa Khudaarka ee Jigjiga.