Dab xalay qabsaday qaybo kamida xaafad ku taal magaalada Garowe

Reading Time: < 1 minute

Dab ayaa xalay qabsaday qayba kamid ah xaafadda Barakacayaasha Washington ku taalla dhanka bari ee caasimadda Garoowe. Dabka ayaa qabsaday guryo iyo sandaqado waxaana markiiba u gurmaday dab-demiska magaalada iyo ciidanka Booliiska islamarkaana ku guulaystay in ay demiyaan.

Khasaaraha ka dhashay dabka ayaa sida wararku sheegayaan ku kooban min hantiyeed oo keliya balse lama soo werin wax khasaare nafeed ah.Sidoo kale weli tira-koob rasmiya lagama hayo guryaha iyo sandaqadaha ku gubtay dabkaas xalay ka kacay Kaamka Washington.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!