Dab xoog leh ayaa mar kale baabi’ayay inta badan dhismooyin ganacsi oo ku yaala caasimada dalka Lubnan ee Bayruut.
Dabkaan oo markiisii hore ka bilowday dhismo ay deganyihiin shirkad Ciraaq laga leeyahay ayaa ku fiday suuq ay dad badan wax ka iibsadaan. Kooxaha dabdamiska ayaa ku guulestay ineey damiyaan dabka .
Dhismooyinkaan gubtay ayaa aad ugu dhaw dekeda magaalada Bayruut oo bil ka hor ku burburtay qaraxyo waa weyn oo ka dhex dhacay kuwaasoo sababay dhimashada boqolaal ruux iyo dhawaaca kumanaan kale.