Dab xoogan ayaan ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha. Dabka ayaa Ka bilowday dhanka maacuunta ee suuqa.
Dowladda Hoose ee Xamar, Ganacsatada iyo Taliska Boliiska gobolka ayaa ku howlan daminta dabkaas
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le sare Mahdi Cumar Mumin ayaa goordhow gaaray Qeybta dahablaha ee Suuqa Bakaaraha oo gubaneysa, waxaana uu faray kooxaha gurmadka ee ku howlan daminta dabka in ay laba jibaaraan dadaalkooda si hantida dadka loo badbaadiyo.
Dabka ayaa wali si xoowli ah ku socda, waxaana laga baqayaa in uu ku faafo qaybaha kala duwan ee suuqa.