Dab khasaare geeystay oo ka kacay Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

Khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan ayaa ka dhashay dab Maanta ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ug weyn Soomaaliya, kaas oo kuyaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Dabka goobjoogayaal ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in uu markii hore ka kacay Gaari TM ah, balse uu ku faafay in ka badan 12 Goobood oo Ganacsi, kuwaas oo kuyaalla Suuq Bacaad.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hanti farabadan ay uga gubatay Goobta, isla markaana dabkii Maanta uu saameyn weyn ku yeeshay Ganacsiooda.

Wararka ayaa sheegaya in dabka oo baabi’iyay goobo ganacsi, wuxuuna ka dhashay gaari TM-ah oo siday shidaal, kaas oo ku qarxay laanta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Gaariga ayaa gebi ahaan ku basbeelay goobta, waxaana dabka uu ku fiday goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

“Baabuurka waa rarnaa shidaal ayuu waday, waxaana qarxay shidaalka kadib wuxuu qabsaday booyado shidaal oo ku jiray baqaar ganacsi oo meesha ka furnaa”, ayey tiri hooyo kamid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkan ku gubtay laba baqaar oo ay lahayeen ganacsato, makiinada lagu shiido xabad Soodada, waxaana sidoo kale gubtay gaariga.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo ku guuleystay inay mar dambe damiyaan dabkaasi, sida ay Shabelle TV u sheegtay hooyada ka midka ah ganacsatada ku dhaqan suuqaasi.

“Muddo saacad iyo bar ka badan wuu socday dabka basiinka ayaa bar loo damiyo la waayey ALXM hadda ilaahbaa damiyay, khasaare nafeedna ma arkin” ayey sii raacisay .

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn dalka, balse dabkan waa midkii ugu yaraa ee ka kaco inta la ogyahay taarikhda.

Inta badan ma’ahan wax cusub in dab uu ka kaco qaar kamid ah suuqyada magaalada Muqdisho, dhowr jeer oo hore ayay siddan oo kale u dhacday gubasho, waxaana sabab u ah waxa la isku ag gado sida baasiinka, dabka iyo wax yaabaha kale ee khatarta ah.