(Daawo) Xil. Cabdi Cali oo ka mid ah xildhibaanadii wax ka riday Jawaari oo isna bannaanka ay dhigeen kooxda N&N.

Reading Time: < 1 minute

Mid ka mid ah xildhibaanadii sida ba’an ugu ololeeyay riditaankii Gud Jawaari aya maanta waxa uu masraxa baarlabaanka lasoo hor istaagay in golaha uu noqday maqaayad uu RW Kheyre wuxuu doono ka sameeyo.

Xil. Cabdi Cali waa xildhibaan ku jufo ah MW Farmaajo balse aanan ka fiirsan ficiladii gardarada aha ee uu ugu ololeeyay sidii uu xilka uga tagi laha Guddoomiyihii hore ee BJFS Maxamed Cusman Jawaari.

Xil. Cabdi Cali aya ka mid ah tiro dhowr ah oo ka tirsan BJFS kuna shaqeysta magaca ay ku matalaan dadka ay masuulka ka yihiin. Sida ay xog ku heshay MOL, waxaa xildhibaanka laga goostay gunno sharci darro ah oo uu ka qaadan jiray xafiiska MW Farmajo iyo xafiiska RW Kheyre, waana midda keentay maanta in uu runta ka hadlo walow aanay daacad ka ahayn waxa uu sheegay haddana waxa laga dhadhansan karaa hadaladiisa aan miisaanka lahayn sida uu uga xun yahay in laaluushkii laga goostay.