[DAAWO] Xasan Sheekh “Ciidankaas waa la iibsaday, Dowladda runta ha u sheegto shacabka & Waalidiinta”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka ku saabsan xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo labo sano ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo war iyo wacaalkooda la la’yahay, isagoo ugu baaqay dowladda in cadeyso xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin”

Waxaa isa soo taraya in dhallinyaradaas qaar ka mid ah aay ku dhinteen dagaalka Itoobiya iyo Tigray balse aan la aqoon tirada rasmiga ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag ugu dhaliilay Dowladda Farmaajo in aay weli ku dhiiran la’adahay in aay waalidiinta carruurta ka maqan yihiin aay runta u sheegaan haba qaraaraatee, balse wuxuu carabka ku dhuftay in runta oo intaa ka sii xun aay iman doonto maalin aan dheereyn.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yasin ayaa ku amray masuuliyiinta dowladda in aan laga hadli karin arrintaan iyadoo aan ogolaasho laga haysan hay’adda NISA.