(Daawo) Xalimo Yarey oo sheegtay in qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha guddiga madax bannaan ee doorashooyinka Xalima Ismaaciil (Xalimo Yarey) aya sheegtay in ay bilowday qorshe lagu diiwaan gelinaayo seddex milyan iyo bar Soomaali ah iyadoo ku adkeysaneysa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto 2021.

Prof: Axmed Maxamed (Axmed Dheere) aya MOL u sheegay in la fahmo ujeedka Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Xalimo wey ogtahay in ay dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse waxa ay u xusul duubaneyso waa lacag la rabo in Qaramada looga qaado in la sameynayo doorasho loona baahan yahay in la diiwaan geliyo dadka” Ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray “Xalimo Yarey, doorashadii 2016 ayeey sida oo kale damacday, balse uma suurto gelin, ma ogi in ay ogtahay in kale, balse doorasho qof iyo cod ah waxaa ka horreeya dastuurka oo laga saaro kumeel gaarka kaddibna in shacabka ay u codeeyaan dastuurka marka hore in aan Madaxweyne iyo Xildhibaan lagu dooran qof iyo cod” Ayuu sheegay Prof. Axmed.

Waxaa hubaal ah in ay wadato mashruuc ay Xalimo Yarey dooneyso in ay wax ku cunto, ma aha qof u madaxbannaan shaqadeeda, waxayna isku dayeeysaa in mar walba qanciso Madaxweynaha markaa kursiga ku fadhiyo rabitaankiisana ay ku shaqeyso.

Xalimo uma laha aqoon iyo qibrad toona doorasho iyo maamul. Mid ka mid madaxda xisbiyada oo diiday in aan sheegno magaciisa ayaa MOL u sheegay “Xalimo Yarey laba mid aya ka go’an in ay hesho labada sano ee soo socota 1. In ay hesho lacag lagu dhiso dhulka la siiyay Guddiga Doorashooyinka, waxayna sameysatay naqshid Villa ka kooban 7 qol, iyo dhismo afar xafiis ah, taas waxaad ka dheehan kartaa in raadineyso deegaan iyo lacag ay ku sii joogta Somalia” ayuu ku daray hadalkiisa.

Waa hubaal in Farmaajo iyo Kheyre aysan haweysan lahaa muddo kororsi iyo in ay si dadban ula wareegaan hannaanka doorashada haddii Guddiga Doorashada uu yahay mid madaxbannaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here