Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhameeyay khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha KG Cabdicasiis Laftagareen iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda KGS, kaasoo ka dhashay muddo kororsi hal san ah oo Golaha Baarlabaanka KGS uu u sameeyay Madaxweyne Laftagareen.
Shirkan oo socday tan iyo bishii Janaayo 17 ayaa caawa la isku afgartay in loo daayo muddo kororsigii uu sameystay Laftagareen isla markaana Doorashada Baarlabaanka iyo midka Hoggaanka KGS la qabto Bisha Janaayo ee sanadka 2024.
Haddaba halka hoose ka daawo kana akhriso Warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee KGS.