Dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo Hadal ujeedinaayay Boqolaal Caruur ah oo lagasoo aruuriyay Arday Iskuulaadka Ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya laga Cafiyay Lacagahii Deeymaha ahaa.
Hadalkaasi ayaa waxaa la Rumeeysnaa in uu badankiis yahay been iyo war aan jirin,waxaana shacabku kasoo qaadeen hadaladiisii hore oo kale.
Hase’yeeshee Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa arinkaasi durba beeniyay oo sheegay in Lacagtaasi loogu tala-galay Soomaaliya islamarkaana ayna jirin wax lacag ah oo laga cafiyay Soomaaliya.
Wasiirku waxaa uu ku celcelinayaa sida aad daawan doontaan waa been waa been,taasna waxaa ay cadeeyneeysaa hadalka ay gaarsiisan tahay beenta shacabka loo sheegaayo,Hadaba Madaxweynaha Iyo Wasiirka ayaa been sheegaayo.
Beentu waa cil sheeydaan,waxaana ceeb ah in Madaxweynahu maalin walbo lasoo istaago been aan macquul aheeyn oo bulshada lagu dhaawacaayo.