Ururka Al Sunna ayaa la wareegay gacan ku haynta saldhiga Booliska ee magalaada Guriceel kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliiska halkaas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamo ka amar qatar garabka Qoor Qoor.
Waxaa muuqata in dagaalka ka socday magaalada Dhuusameeb in uu ku sii fidayo qaybo ka mida degaanka Galmudug. Sida loo xaqiijiyay MOL waxaa jira Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, waxaana la maqlayaa rasaasta ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxda gacansaarka la leh Ahlu sunna.
Halkaan ka daawo video ugu danbeeyay ee laga soo duubay magalaada Guriceel