(Daawo) U. Xasan: “Lacagtii biyo-xireenka waxa ay ku maqan tahay Kheyre iyo xukumadiisa”

Reading Time: < 1 minute

Ugaaska beesha Xawaadle oo kulan la qaatay hogaanka dhaqanka, ganacsatada iyo waxgaradka reer Hiiraan ayaa u sheegay in dhaqaalihii loogu talagalay in lagu dayactiro wabiga fatahaada keenay ay ku maqan tahay Xasan Kheyre iyo Xukumadiisa.

Ugaaska ayaa sheegay in lacagihii ay balan qaaday dowlada Talyaaniga aan la dabagalin isla markaana aan xil la iska saarin. Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in dhamaan Garoomada diyaaradaha ee dowlad goboleedyada dalka lawada dhisay inta aan ka ahaynin magalada Baladweyne..

Ugaaska ayaa ku eedeyay in Xasan Kheyre uu mas’uul ka yahay cunaqabataynta dul saaran dadka reer Hiiraan isla markaana lagu tagri falay dhaqaalihii loogu talagalay in wax badan looga qabto biyoxireenka Wabiga, Kanaalada iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee magalaada Baladweyne .

Halkaan ka daawo hadalka Ugaaska.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!