(Daawo) Taliyaha CBS “Rooble wuxuu boobayaa dhulkii Ciidamada Badda”

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaa weerar ku qaaday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, isagoo ku eedeeyay inuu boob ku dhisanayo Guri sahqasi ah, kana dhisanayo xaruntii ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Shir jaraa’id oo aan hore loo arag ayuu qabtay Taliyaha Ciidamada Badda wuxuuna si toos ah ugu eedeeyay Ra’iisal wasaaraha oo ka mida madaxdii dalka ugu sareysay dalka, sida uu yiri inuu horkacayo Boobka xarunta ciidamada Badda Soomaaliyeed.

“Ma aha wax la aqbali karo in Dhulkii ciidamada Badda ay boob ku dhisanayaan madaxdii Qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaare Maxmed Xuseen Rooble. Waa nasiibdarro, mana aha wax la qaadan karo. in Ra’iisal wasaarihii dalka uu rabo inuu guri shaqsi ah ka dhisto halkii ciidamada Badda lahaayeen ee xafiisyada u noqon lahayd” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Badda.

Wuxuu sheegay inuusan ka aamuseynin boobka hantida ciidamada xoogga dalka, sida uu yiri xitaa haddii uu xilka ku weynayo wuxuuna si toos ah u weerarray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasoo ah arrin aan hore u dhici jirin in taliye ciidan uu si furan u eedeeyo Ra’iisal wasaare xilka haya.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay qeyb ka tahay dagaal cusub oo ka dhex bilowday madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble, taasoo salka ku heysta arrimaha Doorashada.