Daawo – Sida loo jarjaray jirkiisa markii la dilay wariye Jamal Kashogti

Reading Time: 2 minutes

Waxaa la helay muuqaal sida loo jar jaray kaddib markii la dilay wariye Jamaal Kashoqti oo ahaa suxuufi u dhashay dalka Sucuudiga kana mid aha wariyaasha jaraa’idka Washington Post oo lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ay ku leeyihiin magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Dowladda Turkiga aya marar badan ku celcelisay in wariye Jamaal lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda kaddibna la jarjaray xubnaha jirkiisa.

Dowladda Sucuudiga aya markii ay ogaatay in lahayo muuqaal sida loo dilay wariye Jamaal bedeshay mowqifkeedii sheegtayna in wariye Jamaal lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyadda kaddib markii ay dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray wariye Jamaal iyo shaqaalaha qunsuliyadda.

Waxaa maalintii shalay ahayd uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga in maxkamad la soo taagi doono dadkii lugta ku lahaa, balse hay’adda sirdoonka Mareykanka aya sheegtay in uu amarka lagu dilay wariye Jamaal uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dowladda Turkiga aya ugu danbeyntii soo bandhigtay caddeeymihii muuqaal iyo codad laga duubay raggii fuliyay dilka wariyaha Jamal, waana midda keentay in CIA Mareykanka ay sheegaan in uu amarka bixiyay Maxamed Bin Salman