(Daawo) Shirkii Teendhada Afisyooni oo Guuldarro ku soo dhammaaday

Reading Time: 2minutes

Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey.

MOL ayaa hore u sheegtay in uu shirkan ku dhammaan doono fashil kaddib markii aan xog ku helnay qodobada laga dooday iyo sida aay saraakiil ka tirsan Villa Somalia noo sheegeen in Madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday Farmaajo uusan aqbali doonin shuruudaha aay wataan maamulada Jubbaland & Puntland

Shirka ayaa fashilmay kadib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo uu diiday madaxweyne Farmaajo, oo ay ka mid yihiin; in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada.

Farmaajo ayaa sidoo kale didiay in ajandaha shirka lagu daro doodda la xariirta, muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka ee dhammaaday, iyo in beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan wada-hadallada.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado inlabadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaariyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday dhammaan qodobadkii kale ee la doonayey in ajendaha lagu soo daro.

Hoos ka daawo wasiir Dubbe