(Daawo) Shacabka Gobolka Gedo oo digniin adag u diray Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Doolow ee gobolka Gedo shacabka iyo cuqaasha Gobolka Gedo ayeey u direen digniin fartiin adag Madaxweyne Farmaajo. Odoyaasha aya ka hadlay ciidan uu Farmaajo keenay gobolka Gedo iyagoona ku tilmaamay in la rabo ciidankaas in lagu gummaado shacabka Gedo laguna xasuuqo carruurta iyo haweenka.

Odayaasha aya sheegay in inta ay gabar ka nooshahay aay la dagaalami doonaan ciidanka Farmaajo uu keenay Gedo, waxayna ku booriyeen in ciidanka laga dulqaado inta aan la isku bas bixin.

Odayaasha ayaa sheegay in ay dagaal diyaar u yihiin balse marka hore ay ka dalbadeen dowladda federaalka in ay ceshato ciidanka ay keentay gobolka Gedo, haddii bey yiraahdeen ciidankaas ay sii joogaan gobolka Gedo in masuuliyadda dagaal halkaa ka dhaco uu qaadi doono Madaxweyne Farmaajo

Halka hoose ka daawo qeyla dhaanta odayaasha iyo shacabka Gedo

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!