Reading Time: < 1 minute

Wareeysi dheer ee uu Shiikh Maxamed Idiris siiyay teleefishinka Caalamiga ah ee Universal TV ayuu si faahfaahsan uga hadlay dowlada Farmaajo, rajadii ay ummadda ka qabtay iyo sida  uu ugu tagri falay mas’uuliyada lagu aaminay.

Wareeysiga Shiikha oo si faahfaahsan loogu sii dayn doono habeen danbe teleefishinka Universal ayuu Shiikhu ku sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay hogaanka dalka dhaawacna uu gaarsiiyay  hankie  ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hogaankiisa.

Shiikh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada/ Mashaa’iiqda Soomaaliyeed ee magaca ku dhex leh umadda Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa culumadii taageerada buuxda siisay Farmaajo markii la doortay, sidoo kale waxa uu si gaar ah fartiimo iyo waanaayin u siiyay Farmaajo laakiin dhamaantood dhag jalaq uma siinin.

Culumadii tageerada siisay Farmaajo ayaa hada dareemayo in ay ku qaldameen, umadda Soomaaliyeed ay danuub ka galeen. Tusaale ahaan, Shiikh Maxamed Idiris ayaa ku tilmaamay Wasiir Amniga, Ducaale in uu yahay shaqsi aan damiir lahaynin, una muuqda in uusan ogaynin mas’uuliyada islaamiga ah ee uu hayo ummada Soomaaliyeed.  Shiikha ayaa isweeydiiyay sida ay macquul ku tahay in 2,000 oo qof Soomaali ah qaraxyo lagu dilo wasiirkiina uusa ka damqan oo uusan iscaslin?.

Hadalka ka soo yeeray Shiikh Maxamed Idris ayaa ka tarjumaya dareenka guud ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan Farmaajo iyo hogaankiisa. Waxaana maalinba maalinta ka danbeeysa isa soo taraya dad ka toobakeenaya taageeradii indho la’aanta  ahayd ay siiyeen Farmaajo iyo Xasan Kheyre.

Sida Caadada u ahayd Hogaanka Farmaajo iyo Kheyre, wax ay durbadiiba bilaabeen in lacag ay ku bixyaan in ay baraha bulshada laga caayo Shiikh Maxamed Idiris. Talabaadan ayaana cadayn u ah in Farmaajo yahay shaqsi ayan ku jirin damiir Soomaalinimo iyo mid Diineed toona.

Halkaan ka daawo qaybo ka mida wareeysiga Shiikh Maxamed Idris.

[videopress kF3H9siS]