Reading Time: < 1 minute

Iyada oo qalaaalasaha siyaasadeed ee ka dhexeeya   Madaxweyne Dani iyo ku xigeenkiisa Axmad Karaash uu cirku isku sii shareerayo ayaa hadana waxaa ka bilaawday Gobolka Nugaal ee Dowlad Goboleedka Puntland is-abaabul ciidan oo ay sameeynayo beesha Ciise Maxamuud oo iyadu deegaan ahaan sheegata in ay leedahay  Gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalo Madaxda  Puntland ee Garowe.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
217 days
19 hours
03 minutes
57 seconds

Saraakiisha ciidanka iyo dhalinta ka soo jeeda Garowe ayaa baaq u diray guud ahaan beesha degta Nugaal in ay u diyaar-garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen waxa ay ku sheegeen cadowga ku soo duulay deegaankooda. Beesha Ciise Maxamuud ayaa ah beel leh ciidaan iyo hub aad u farabadan, iyada oo beeshu hada martigalisa dowlada Goboleedka Puntland.

Hadalka ka soo yeeray saraakiisha ayaa ah mid ka digaayo in dad aan u dhalan degaanka ay ciidan keenaan kuna qalqaliyaan amniga  dadka degan deegaanka. Dadka reer Garowe ayaan xuquuqdooda marnaba lagu tuman sida ka dhacday Muqadisho oo kale.

Halkaan ka daawo shirkii Jaraa’id oo ay qabteen saraakiisha iyo dhalinyarada reer Garowe.