(Daawo) RW Kheyre oo ku guuleystay in uu baajiyo kulankii Baarlamaanka…Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Sida aay Muqdisho Online u caddeeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa habeenkii xalay ahaa qaatay lacag dhan $5000 oo doollar, taasoo lagu siiyay kaliya in aanay saxiixin ama soo xaadirin kalfadhiga baarlamaanka. Lacagtaas ayaa waxaa bixinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi isagoo wakiishay Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye oo gurigeeda lagu bixinaayay lacagtaas.

Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad uga carooday in kulanka uu kooram la’aan u furmi waayo, waxaana uu digniin u diray Xildhibaanada xarunta yimid ee aan saxiixin buugga diiwaanka.

Sidoo kale baaqashada kulanka ayaa saameyn ku yeeshay xirnaanshaha waddooyinka oo saaka la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo milateri.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Xukuumadda ayaa ku doodaya in arrintan ay aheyd qorshe ku tala gal ah oo looga gol lahaa in lagu baajiyo kulanka.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada kulanka ay tahay qorshe Xukuumadda wadatay, si kulanka maanta aanu u qabsoomin, isla markaana loo helo fursad ololaha lagu sii wado, si loo kala fur furo Xildhibaanada ka soo hor-jeeda go’aanka Xukuumadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay arrintan Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee loo gacan geliyay Itoobiya isku khilaafsan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay dhaliso doodo adag oo uu Baarlamaanku ku kala qeybsamo