[Daawo] Rooble oo difaacay Habraaca lagu muransan yahay

Reading Time: < 1 minute

a’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay wuxuu si toos ah uga hadlay habraaca muranka dhaliyey ee doorashooyinka Aqalka Hoose.

Rooble oo maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka heer federaal ee waddanka ayaa hoosta ka xariiqay in habraaca uu yahay mid beelaha loogu daadejinayo in ay soo xushaan kuraasta metelaysa.

Dhawaqan ayaa wuxuu imaanayaa iyaddoo wali aan la shaacin wadaxaajoodyaddii xasaasiga ahaa ee mucaaradka iyo golaha wadatashiga qaranka ka yeeshaan qadiyadan.

Sida laga soo xigtay Rooble, bulshadda rayidka waa in ay door wanaagsan ka qaadataa hanaanka soo xulista mudaneyaasha. Qoondada haweenka ee 30% ayuu ku tilmaamay “mid lama taabtaan ah”.

“Bulshada rayidka waxay noqon kartaa xubin ka tirsan culimada, haweenka iyo bahda cayaaraha,” ayuu ka sheegay kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka koowaad ee waddanka ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Inti ay socotay hadaljeedintisa, Rooble ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada in ay ka fogaadaan dhamaan dhinacyada isku haya doorashooyinka waddanka iyo in ay dhex-dhexaadnimadda ku dedaalaan.

“Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya,” ayuu qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi”.

Ugu dambeyntii, Rooble ayaa si cad u sheegay in xafiiskiisa uu si gaar ah isha ugu haayo dhamaan hoteelada ay degan yihiin xubnaha guddiyada doorashooyinka isaga oo uga digay in ay dhinac u jaranjeeraan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!