(Daawo) Rooble oo caqabad ku noqday shacab u soo baxay tukashada Salaadda Ciidda

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacab aad u tira yar iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya.

Rooble oo markii hore qorshahiisa ahaa in uu ku tukado masaajidka Isbaheysiga ayaa cabsi darteed isaga soo laabtay iyadoo shacabkii halkaa ku tukan lahaa aay ilaaladiisa kala kulmeen tacadiyo loona diiday in aay galaan masaajidka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.