(Daawo) Rooble “Ciidamada kama amar qaadan karaan Madaxweynihii hore” Aniga ayeey iga amar qaadan karaan kaliya

Reading Time: < 1 minute

RW Rooble oo goor dhow ku qabtay xafiiskiisa shir jaraa’id ayaa faray dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda in aanay ka amar qaadan karin Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble ayaa amray in ciidanka maanta laga bilaabo aay toos uga amar qaadan doonaan xafiiskiisa.

Rooble “Farmaajo waa musharax Madaxweyne, waxna ma dhaamo musharaxiinta kale, sidaa darteed ma soo faragelin karo nidaamka Doorashada, guddigii isku daya in aay baal maraan amarkiisana wuxuu sheegay in uu sharciga la tiigsan doono.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in uu weli jiro shirkii loo balansanaa isagoo intaa ku daray in dhammaan hoggaanka DG aay imanayaan magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Rooble ayaa sheegay in halheyska maanta uu yahay “Doorasho HAA, Afgambi MAYA”

Halka Hoose ka daawo