Daawo Qaabkii loogu Bahdilay Wasiir Axmed Ciise Cawad Shirkii Golaha Wasiiradda Ee Farmaajo Goob-jooga ahaa Iyo Xiisad ka dhalatay oo!!

Reading Time: 2 minutes

Kulankii Khamiislahaa Ee Golaha Wasiiradda oo ka qabsoomay muqdisho islamarkaana uu ka qeeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa laga Diiwaan geliyay dhowr dhacdo oo yaableh kuwaasi oo lagu kala xigsanaayay Wasiiradda Goobta Joogay.

Arinta ugu Xun ayaa aheed markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad la siiyay Mecraphone-ka  ka dibna uu hadlay Daqiiqado kooban,ayuu soo hadal qaaday Halbeegyadda Degsanaa Ee Kheeyre  ku Celcelinaayay,waxaana mar Qura oo R/wasaare Kheeyre Yiri”HALKAAS KU EKEEY”

Axmed Ciisa Cawad wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa durba ajiibay hadalka R/wasaaraha asigoo aad uga carooday sida laga dheehan karo muuqaalka ayuu Yiri”HAYE WAA YAHAY” intaasi ka dibna Microphone-ka ayuu dhinac u jeediyay asigoo careeysan.

Bahdilka lagula kacay  Axmed Ciisa Cawad wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa lagu bedelay oo baraanbur looga dhigay Khadiija Maxamed Diiriye oo tiro aan xad laheeyn la siiyay Hadalka iyado marnaba aan soo gudbin wax aan ka baxsaneeynin Amaanta Kheeyre oo ay caan ku tahay”LIBAAX LABA MAAHA”

Axmed Ciisa Cawad wasiirka Arrimaha Dibadda khilaafka kala dhaxeeya R/wasaare kheeyre dhowrkii biloood ee lasoo dhaafay waxaa uu ahaa joogto waxaana uu hadalkiisa ku yiri intii uu hadlaayay”MAAHA INAAN AMAANTA MADAXDA UUN AAN WADNO” waana arinta kheeyre sokorta kusii kicisay.

Talaabadaani ayaa waxaa ay muujineeysaa hagaagsanaan xumida Xukumadda uu hormuudka ka yahay R/wasaare Kheeyre,waxaana suuragal in Axmed Ciisa Cawad wasiirka Arrimaha Dibadda uu qaado talaabo arinkaan ku aadan bahdilka ah.