MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
23 hours
05 minutes
14 seconds
Reading Time: 2 minutes

 

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
23 hours
05 minutes
14 seconds

Prof Peter Kagwanja oo ah ninka qabo Wasiirka Difaaca dalka Kenya Marwa Munica Juma ayaa waraysi uu siiyay taleefishinka National TV  ka cadeeyay in uu mushaar ka qaadan jiray xafiiska Ra’iisal Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre.

Prof Peter Kagwanja oo  ah nin lagu sheego in uu yahay shaqsi ku mayal adag dareenkiisa kuwajan dacwada u dhaxeeysa labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxa nasiib xumo ah in  mushaar laga siin jiray xafiiska Ra’iisal Wasaarsaha Soomaaliya.

Dhanka kale Prof Peter Kagwanja ayaa waxa uu qoraalo lagu amaanayo Xasan Kheyre ku soo qori jiray Wargeeysyada ka soo baxa dalka Keny, isaga oo wakiil ka ah Xasan Kheyre.  Sida MOL ku heshay cadeymo cad, lacagaha la siiyo Prof Peter Kagwanja ayaa waxa la soo marin jiray Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ahaa xiriiriyaha  u dhaxeeyay Kheyre iyo Prof Peter Kagwanja.

Sida MOL loo xaqiijiyay Prof Peter Kagwanja ayaa waxa hadda  si buuxda u shaqaaleeyay Xasan Kheyre si uu ugula shaqeeyo olala doorashadiisa. Iibinta laga iibinayo Xasan Kheyre dalka Kenya ayaa waxa aas-aas u ah in  dacwada badda ee u dhaxeeysa  labada dal. Prof Peter Kagwanja ayaa sheegay in dacwda badda lagu soo afjari diino si isfaham ah.

Waxa xaqiiqdii wax laga xumaado ah in cashuurtii shacabka Soomaaliyeed laga soo ururiyay in mushaar laga siiyo shaqsi qayb ka ah xaraashka Kheyraadka dalka Soomaaliya isaga oo difaacaya danaha dalkiisa, kana soo horjeedo danaha umadda Soomaaliyeed.

Waxa waajib ku ah xeerilaalinta Soomaaliya, waaba hadii ay dareen Soomaalinimo  ku jiro, in ay maxkamad soo taagaan Xasan Kheyre. Sidoo kale waxa muhim ah baarlamanka Soomaaliya uu soo saaro baaq  lagu maxkamadaynayo Xasan Kheyre.

Halkaan ka daawo hadalkii Prof Peter Kagwanja