Guddoomiyihii Baarlamaanka ee is casilay Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ka soo muuqday shir jiraa’id oo uu kaga Soo Muuqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka islamarkaana uu maalinta berito ah khudbad uu ka jeedin doono xarunta Golaha Shacabka wax badan uu ku faah faahin doono.