(Daawo) Odoyaasha dhaqanka Galmudug oo ka digay doorashada Gacal iyo Khatarta ka dhalan karta?

Reading Time: < 1 minute

Odoyaasha dhaqanka Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Dhusamareeb ayaa ka digay  doorashada Maxamed Nur Gacal. Odoyaasha oo ay ka muuqato rabitaan ay doonayaan in Galmudug hesho  hogaan aan caadifad qabiil ku jirin ayaa ugu baaqay baarlamaanka Galmudug in ay ka fogaadaan doorashada Gacal.

Gacal oo ah nin lagu yaqaano qabyaalad iyo caaadifad qabiil ayaa horay looga bartay in uu dagaal qabiileed ku qaaday qaar ka mida beelaha dega degaanka Galmudug, gaar ahaan beesha Habar-gedir.

Waxa uu ku difaacay Xasan Kheyre dhibaatooyinkii uu dalka ka geeystay oo ay u horeeysa weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga  Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo dad lagu laayay, waxa uu taageeri buuxda siiyay tacadiyadii lagu kacay Kornayl Qalbidhagax.

Dad badan baa rumeysan in doorashada Gacal in ay ilhaano ku tahay shacabka reer Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee doonayo in ay soo afjaraan siyaasada ku dhisan caadifada qabiilka.

Halkaan ka daawo baaqii odoy dhaqameedka Galmudug

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!