(Daawo) MW. Xasan Sheekh (Waa riyo in uu Farmaajo sameysto muddo kororsi. Wakhti waad haysataa ee doorasho qabo)

Madaxweynahii hore ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlyay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe aya ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee dalka ka jira isagoo sheegay in ay adag tahay in laga aamuso falalka guracan ee dowladda hadda jirto ay rabto in ay ku burburiso nidaamka dowladnimo ee juhdiga naf iyo maal lagu soo dhisay.

MW Xasan aya sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen dulqaad aad u badan iyagoo diiday in waxa dhacaya ay horseedaan in la gaaro meel ka xun meesha maanta la joogo. Waxa uu sheegay in dhalinyaro ciidan ah kabahooda lagu aasay, shacabka Baydhabo oo diiday faragelinta doorashayoonka KG ay dowladda xabado ku furtay oo ay dishay qaarna xabsiyada weli ku jira.

Intaas aya loogu dulqaatay oo la muujiy xilkasnimo, balse waa in si degdeg ah looga tashtaa sidii dalka loo badbaadin lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here